Axmed Madoobe oo shaaciyay in uu guddi u saarayo arrimaha Gedo

0

Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe Hogaamiyaha maamulka goboleedka Jubbaland ayaa waxa uu shaaciyay in uu dhawaan magacaabi doono, guddi ka hortagga shaqaaqoyin uu sheegy in ay ka soo cusboonaadeen qaybo ka tirsan gobolka Gedo.

Axmed Madoobe ayaa waxa uu sheegay in guddigan uu magacabi doono ay ka koobnaan doonaan xildhibaanno iyo wasiirro isla markaasina soo afjari doonaan shaqaaqooyinka ka taagan gobolka Gedo.

Hadalkan Axmed Madoobe ayaa waxa uu imaanaya xilli ilaa saddex guddoomiye waaxeed ay sheegeen in aysan ka amarqaadan doonin maamulka Axmed Madoobe oo ay ka soo horjeedaan maamulkiisa, iyagoo sheegay in ay hoostagaan wasaaradda arrimaha gudaha ee dawladda Soomaaliya.