Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Oo Guddoomiyay Kulan Lagu dardar gelinayay Qorshaha Horumarinta Qaranka

0

Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Dr. Axmed Nuur Cabdi Maxamed ayaa maanta guddoomiyay kulan looga arrinsanahay dardar gelinta qorshaha sagaalaad ee horumarinta qaranka.

Shirka oo lagu qabtay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka qayb galay khuburada iyo la taliyaasha xariifka Ra’iisul Wasaaraha, iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha oo ay kamid yihiin la taliyaha sare ee Maareeyaha Barnaamijka Qorshaha Horumarinta Qaranka Sagalaad, Asad Yusuf Qanyare iyo ggaasimaha Guud ee wasaaradda, Muuse Abdi Osmaan.

Kulankaan oo qayb ka ahaa kulama wareegga labaad ee ka tashiga qorshaha horumarinta qaranka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray qaybaha ahmiyadda ugu muhiisan lagu siinayo qorshaha horumarinta ee shanta sano ee soo socota.

Dr. Axmed Nuur ayaa kulanka ka sheegay in ay muhiim tahay in dhammaan dhinacyada qaybta ka ah qorshaha horumarinta qaranka ay laba jibbaaraan dadaalladooda dhameystirka qorsha si loogu guuleysto fulinta qorshaha, loogana dhabeeyo gaaridda himmilooyinka ummadda Soomaaliyeed.