SAWIRRO:-Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Salaada Janaasada ee Marxuum Maxamed Qanyare

0

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saaka ka qeyb galay Salaadda Janaasadda Meydka Allaha u naxariistee Maxamed Qanyare Afrax oo lagula dukaday Masaajidka Shuhadaa ee Madaxtooyada.

Madaxweynaha iyo masuuliyiinta Marxuumka ku tukaday Salaadda Janaasada ayaa Alle uga baryey in uu u naxariisto, hoygiisana ka yeelo jannada. Sidoo kale, waxa ay samir iyo iimaan u rajeeyeen qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

Janaasada Marxuum Marxuum Maxamed Qanyare Afrax waxaa ka qayb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaannada Labada Gole, masuuliyiin heer Gobol ah iyo qaar ka mid ah duubabka dhaqanka.

Meydka Marxuum Maxamed Qanyare ayaa lagu wadaa in saaka lagu aaso magaalada Muqdisho, iyadoo Guddi isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Duubabka dhaqanka loo saaray qaban qaabada aaskiisa.