AKHRISO:- Ciidamadda Dowladda oo xalay howlgalo xoogan sameyeey

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay waxa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Degmada Dayniile Gobolkaan Banaadir.

Ciidamada ayaa howlgalka intiisa badan waxa ay ka sameeyeen xaafado bartilmaameed u ahaa,isla markaana waxaa ay baaritaano ku sameeyeen Guryo ku yaalla halkaas.

Sidoo kale Ciidamada ayaa howlgalka waxa ay ku qabteen dhalinyaro farabadan kuwaas oo ay weeydiinyen Su’aalo dhowr ah,in kastoo markii dambe qaarkood dhalinyaradaas ay siidayeen.

Ujeedka Howlgalkaan ayaa waxaa uu ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga Degmooyinka Gobolka Banaadir oo mararka qaarkood ay ka dhacaan falal amnidarro,waxaana laamaha amniga ay horey u sheegeen in howlgalka uu sii socon doono.