DHAGEYSO:- Wararkii ugu dambeeyay Xaalada Baar Sanguuni.

0

Xaalada deegaanka Baar-Sanguuni ee gobolka Jubada Hoose ayaa dagan kadib weeraro is-xigxigay oo Sabtidi ay Al Shabab ku qaadeen saldhiga ciidanka Dowlada Federaalka Soomaaliya ee halkaasi ku yaalla.

Saraakiisha Ciidamada Dowladaha Federalka Somaaliya ee ku sugan deegaanka Baarsanguuni, ayaa sheegay inay difaacooda sii adkeysteen, xaaladduna ay caadi tahay hadda.

Wariyaha idaacada VOA Sahra Cabdi Axmed ayaa khadka telefoonka kula xariirtey Mukhtaar Cabdiwali Maxamed oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada Dowlada ee ku sugan saldhiga Baar-Sanguuni.

HOOS KA DHAGEYSO