Kadib kulan ay caawa xarunta VIlla Hargeysa Ku yeesheen Mudanyaal ka Tirsan Barlamanka soomaaliya ayey ku shaaciyeen inuu bur buray mooshinkii ka dhanka ahaa gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Xildhibaanadan oo la baxay golaha Badbaada Barlamanka Soomaaliya ayey tiradoodu ahayd 120 mudane,waxana kulan saacado qaatay kadib ay soo saareen in aan barlamanka la hor keeni karin mooshinkii Prof jawaari ka dhanka ahaa,iyagoo arintaasi u Cugsaday qodobo dastuuri ah.
Mudanayaashan ayaa ku andacoonaya in mooshinka uu dhaafay 10-kii casho ee loogu tala galay in golaha lagu horkeeno sidaa awgeedna uusan sharci ahayn iminka in golaha la hor keeno.
Mudanayaashan 120-ka ah ayaa ku booriyey Gudoomiyaha Golaha Shacabka inuu dar dar galiyo howlihiisa,iyagoo hoosta ka xariiqay in aan barlamanka la horkeeni doonin mooshinkii ka dhanka ahaa.
Arintan ayaa wadada u xaareysa khilaaf hor leh oo uu cagaha la galo Barlamanka Soomaaliya,waxana sida la wada ogsoon yahay maalmihii ugu danbeeyey aad isku khilaafsanaa Gudoonka barlamanka soomaaliya,taasoo nasiib darro ku noqon karta howlihii la qaban lahaa kalfadhiga 3-aad oo uu khilaaf ba’an iminka hareeyey.