Wiil dhalinyaro ah oo loo diiday ka qeyb gelka shirka arrimaha haweenka

2

Waxaa dhawaan soo baxayay warar sheegaya in wiil dhalinyaro ah laga hor istaagay in uu ka qeyb galo shirk a dhacaya magaalada New York ee dalka Mareykana kaasoo looga hadlayay arrimaha haweenka.

Wiilkan oo lagu magacaabo Cabdiweli Waaberi ayaa doonayay in uu ka qeyb galo kulankan asaga oo u dooda xuquuqda dhalinyarada. Cabdiweli ayaa ugu horey waxaa uu la xiriiray wasiirka arrimaha haweenka dowlad goboleedka Puntland oo uu ka codsaday in wasiirada Puntland ay ka codsato dowladda federaalka in Cabdiweli lagu daro wafdiga ka qeyb galaya shirkaan.

Sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, Wasiirada haweenka ee Puntland ayaa ka codsatay dowlada federaalka in Cabdiweli lagu daro wafdiga ka qeyb galaya shirkan. Balse maalmo yar kadib, isla wasiiradii Puntland ee soo codsatay ka qeyb galka Cabdiweli ayaa qoraal ay usoo qortay dowladda federaalka iyo hay’adaha UN-ka waxa ay sheegtay in ay la laabatay codsigeedi ahaa in Cabdiweli Waaberi uu ka qeyb galo, ayada oo ku sababeysay in uu haysto baasaboor Soomaali ah, ayna suurta gal tahay in uu dalka dib ugu soo laaban waayo.

Ka noqoshada codsiga ee ka yimid wasiirada arrimaha haweenka Puntland ayaa noqday mid hor istaaga in uu Cabdiweli Waaberi ka qeyb galo shirkan, isla markaana caqabad ku noqday sidii ay dowlada federaalka u xalin laheyd arrinkan, maadaama uunan Cabdiweli marka hore dowladda federaalka ka codsan in uu shirka ka qeyb galo oo uu diidmo kala kulmay dowlada Puntland oo marka hore usoo codsatay in uu shirka ka qeyb galo.

Intaas waxaa sii dheer in Wasiirada Puntland ay sheegtay in ay iyada dooneyso in ay ka qeyb gasho shirkan ka dhacaya magaalada New York kadib markii ay la laabatay codsigii ay marka hore ku dooneysay in Cabdiweli Waaberi uu kaga qeyb galo shirka.

Dhalinyarada oo aad ula yaabay falkan ku dhacay Cabdiweli Waaberi oo kaga yimid dhinaca dowlada Puntland ayaa hadana waxaa ay aad uga xumaadeen sida khaldan ee ay u isticmaaleyso arrinkan gabarta lagu magacaabo Ilwaad Elman oo ka dhigtay in dowladda federaalka ay ka dambeysay horjoogsiga lagu sameeyay Cabdiweli Waaberi.

Eedaha runta ka fog ee Ilwaad Elman ku riixeyso dowlada federaalka ayaa waxaa ay aad u dhawacayaan sumcada Cabdiweli Waaberi oo mas’uuliyiin badan oo ku jiro dowladda federaalka niyad wanaagsan u hayaan, lagana yaabo in loo arko qof doonayo in uu isku soo caanbixiyo eed aan sal iyo raad laheyn.

Comments are closed.