Ciidamada Dowlada oo adkeeyay ammaanka Muqdisho

0

Waxaa si aad ah loo adkeeyay ammaanka magaalada Muqdisho, maadaama maanta Muqdisho lagu qabanyo Munaasabad aad u ballaaran oo lagu xusayo sanadguurada 74-aad ee ka soo wareegtay aas aaskii ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ciidamo hubeysan oo ka kala tirsan qeybaha kala duwan ee Hay’adaha ammaanka Dowladda ayaa lagu arkayaa wadooyinka Muqdisho qaarkood, gaar ahaan agagaarka goobta ay Munaasabadda ka dhaceyso oo ah xarunta Gen. Kaahiye, kuwaasi oo aad u feejigan, watana gaadiidka dagaalka.

Ciidamadan ayaa goor sii horeysay oo xalay aheyd waxa ay sii xireen wadooyinka qaar ee Muqdisho, waxaana shacabka ay ku soo tooseen iyada oo ay xiran yihiin wadooyinka Muqdisho qaarkood, keliya wadooyinka inta badan maanta waxaa isticmaalaya gawaarida ay wataan masuuliyiinta Dowladda iyo Ciidamada.

Saraakiisha ammaanka ayaa Ciidamada ku amray in ay ammaanka aad u adkeeyaan, inta lagu guda jiro xuska Munaasabadan, si looga hortago in ay dhacaan falal ka baxsan amniga.

Waxaa la xusuustaa 14-kii bishan in Qof watay Jaakad ay ka buuxeen walxaha qarxa uu isku qarxiyay barxada Iskool Pluzia oo ay subixii ku tababartaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan kuwo isku diyaarinayay xuska aasaaska Ciidanka Booliska oo 20-ka December ku aadan.

Inta la xaqiijiyay 18 Askari oo Boolis ah ayaa ku dhimatay 15 kalena way ku dhaawacmeen Qaraxii Ismiidaminta ee ka dhacay xarunta Tababarka Booliska ee General Kaahiye ee magaalada Muqdisho.