Guddi Xildhibaano iyo Senator isugu jira oo ka soo jeeda Beesha Hawiye, kana koobnaa 11 Xildhibaan ayaa xalay la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, iyadoo dalab culus oo ay wateen in la sii daayo lagu diiday.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Xildhibaanada ay dalbadeen in la siiyo daayo C/raxmaan C/shakuur, waxaana dood saacado qaadatay la sheegay in markii dambe la isku afgaran waayay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeystay in siyaasiga C/raxmaan C/shakuur arrintiisa ay gacanta ku hayaan Hey’addaha Garsoorka, isla markaana baarista socoto, isagoo xusay in hey’adaha uu ku amray in si degdeg ah baaritaankiisa loo soo gaba gabeeyo..
Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa kulanka ka jeediyay in xaalada ay ka sii dareyso hadii aan la soo deyn Siyaasiga, inkastoo Ra’iisul Wasaaraha uu ku qanciyay in laga war sugo Hey’adaha sharciga.
Intaas kaddib Xildhibaano dhowr ah ayaa loo ogolaaday inay booqdaan Siyaasiga C.raxmaan C/shakuur oo ku xiran xarunta NISA, waxaana ay sheegeen in xaaladiisa ay wanaagsan tahay.
Si kastaba ha ahaatee xaalada ka dhalatay xarigga C/raxmaan C/shakuur iyo eedeyntii Xildhibaanada ayaa xiisad siyaasadeed dhalisay, waxaa la filayaa in Guddoonka Golaha shacabka uu soo fara geliyo xaaladaha qaar ee soo korortay, isla markaana uu war ka soo saaro, gaar ahaan arrinta eedeynta Xildhibaanada ay Xeer Ilaalinta ku soo oogtay dacwad qaran dumis ah.