Kenya ayaa mar kale ka hadashay kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya iyo jawaabta ay arrintaasi ka bixisay.
Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya Githu Muigai ayaa sheegay in wali Kenya ay ka taagan tahay kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya meeshii ay horay uga taagneyd.
Githu Muigai waxa uu intaasi ku daray in ay Kenya rumeysan tahay in wada hadal wax lagu xaliyo oo aan maxkamad loo baahneen, marka la eego qaabka ay u wada hadli karaan Somaliya iyo Kenya.
“Mowqifkeenna waxaa uu ku jiraa heshiiska Qaramada Midoobay ee xeerka badaha iyo heshiisyo kale oo caalami ah iyo sidoo kale heshiisyada ay gaareen dalalka Afrika tan iyo 1964-tii.
Soomaaliya iyo Kenya ayaa 3-dii sano ugu dambeysay ku murmaayey badda, Soomaaliya ayaa sheegeysa in Kenya ay xoog ku heysato dhul uu shidaal ku jiro, oo ah xadka labada dal ee dhanka badda.
Maxkamada Caalamiga ah oo dacwadda badda Somaliya ay hortaalo ayaa la filayaa in Bishan gudaheeda kiiskaasi dib loo furo sida uu xaqiijiyay xeer ilaaliyaha Somaliya Axmed Cali Daahir.
Comments are closed.