Wararka laga helayo Gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Puntland qarax lagula eegtay Duleedka Magaalada Boosaaso ee xarunta G/ Bari.
Ciidamadan oo ku socdaalayay Waddada dheer ee xiriirisa Buuraha Galgala iyo Boosaaso ayaa qarax Miino lagula eegtay deegaan hoostaga Magaaladaasi Boosaaso.
Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee Ciidamada Maamulka Puntland ka soo gaaray qaraxaasi.
Balse Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qarxaasi waxa ay sheegeen in khasaaro lixaad leh ay gaarsiiyeen Ciidamadaasi.
Waa weerarkii labaad oo muddo 24-Saac gudahood ka dhaca Boosaaso, iyadoona shalay Magaaladaasi lagu dilay Askar ka tirsanaa Ciidamada ammaanka ee Puntland.