Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa kulan deg deg ahi ka yeeshay xiisadda siyaasadeed ee ku soo korortay Magaalada Muqdisho, ka dib hawlgalkii lagu soo xiray Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.
Xildhibaanada oo kulankan ku yeeshay Xarunta Guddiyada Joogtada Baarlamaanka ee Villa Hargeisa, ayaa waxay si kulul u cambaareeyeen hawlgalka uu dhiigga ku daatay ee ka dhacay guriga C/raxmaan C/shakuur.
Xildhibaanadan, ayaa waxay isla qaateen waxa ka dhacay hoyga C/raxmaan C/shakuur uu yahay wax aad u xun, sidaasi daraadeedna waxay soo jeediyeen in dib xoriyadiisa loo siiyo ninkaasi.