Kooxo hubeysnaa bistoolado ayaa lagu soo waramayaa in toogasho ay kundileen Nabadoon caan ahaa xili uu ku sugnaa hooygiisa oo ku yaalla Degmada Baraawe ee Gobolka Sh.Hoose.
Gudoomiyaha Degmada Baaawe, Aadan Cumar Madoobe ayaa sheegay in nabadoonka lagu dilay hooygiisa.
Magaca marxuumka ayaa waxuu ku sheegay Maxamed Aadan, kuna magac dheer (Caamir Muuse).
waxuu ku eedeeyay dilka nabadoonka Xarakada Al Shabaab.
Maalmo ka hor ayee aheyd markii Nabadoon kale oo caaan ahaa lagu dilay Degmada Baraawe ee Gobolka Sh.hoose.