DHAGEYSO: Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir oo ka hadlay xariga CC.

0

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Galabta Maxkamad la soo taagay.

Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur ayaa waxaa Maxkamada geeyay Kusimaha Taliyaha Nabad Sugida Somaliya, waxaana xeer ilaalinta ay soo bandhigtay Warqado ay ku qoranyihiin Cadeymaha muujinaya eedaha loo heysto Siyaasigan.

Eedaha loo soo jeediyay oo qaarkood cuslaa ayaa waxaa kamid ah; In Siyaasiga Lacago ka soo qaatay Dowladdo Shisheeya, In la burburiyo Dowladda dhisan iyo in la sameeyo Afganbi.

Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa meesha ka sheegay ineysan muuqan eedo lagu qanci karo oo ay soo bandhigeen Xeer ilaalinta soo eedeysay Siyaasigan.

Xeer ilaalinta Maxkamada ayaa markii danbe dalbatay in la siiyo 5 Maalin oo dheeraad ah si ay ku keenaan Cadeymaha loo heysto Siyaasigan, Sidoo kalena la siiyo warqad ogolaansho ah oo ay ku sii heysan karaan Warsame.

Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Aweys Sheekh C/llaahi ayaa diiday inuu aqbalo dalabka Xeer ilaalinta, wuxuuna usoo jeediyay iney Maalinta beri ah keenaan Cadeymo dhameystiran oo eedaha la xiriira.

Waxa uu Gudoomiyaha ku goodiyay in hadaan Cadeymahaa lagu keenin 24kaa saacadood la sii deynayo Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur Warsame, danbiyana lagu soo oogayo Xeer ilaalinta iyo Saraakiisha soo xiratay Siyaasigan.

Warsame ayaa markii danbe dib loogu celiyo guriga Kusimaha Taliyaha Nabad SUgida Somaliya oo saacadihii danbe lagu hayay, waxaana loo balamay Cadeymaha Arbacada laga wardhowrayo Xeer ilaalinta.

Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Guutaale ayaa si faah faahsan uga hadlay arimaha Maxkamada Gobolka