Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo howlgallo ka wada G/ Hiiraan

0

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al Shabaab ka wada deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Waxaana Ciidamadu dhaq dhaqaaqyo looga soo horjeeda Al Shabaab ay ka wadaan deegaano hoos yimaada Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolkaasi Hiiraan.

Qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada Dowladda oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in u jeedka howlglladan ay yhiin sidii Al Shabaab looga saari lahaa Guud ahaan Gobolkaasi.

Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro dhaba gal ah ku qaada Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM xilliyada ay isaga kala gooshayaan deegaanada Maamulka Hirshabelle.