Xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo baxsad ah ayaa laga baadi goobayaa Degaano Duleed ka ah Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu sheegay in Al-Shabaabkaasi ay dhibaatooyin kala duwan u geystaan shacabka Gobolka.
Cismaan Muumin Garbo oo ah Gudoomiye ku xigeenka Amniga Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay sameynayaan howlgaladii ay Al-Shabaabkaasi ugu hortagi lahaayeen.