Wasiirka Dastuurka: waa qalad in la diido in shirar iyo banaanbaxyo lagu qabto Muqdisho

1

Wasiirka dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa qalad ku tilmaamay  in la diido bannaabax iyo shirar lagu qabto Magaalada Muqdisho.

Hadalka wasiirka dastuurka, waxaa uu u muuqdaa mid ka hor imaanayaa war uu saxaafadda u sheegay saacado ka hor wasiirka amniga  Maxamed Abuukar Isloow.

Hadaba, wasiirka Cabdiraxmaan Xoosh  Jibriil waxaa uu soo qaatay in diidmada bannaabaxyada  iyo Shirarka ay ka hor imaaneyso qodobo dastuuri ah sida qodobka 16aad iyo 20aad.

Akhriso labada qodob ee Dastuurka oo ka hadlaya arimahan:

Qodobka 20aad: Xorriyadda Kulanka,Bannaanbaxa, Cabashada iyo Codsi-wadareedka

(1)         Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu abaabulo, kana qaybgalo kulammo ama bannaabax oo si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo, iyada oo aan oggolaansho loo baahnayn.

(2)         Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu cabasho qoraal ah u gudbiyo hay’adaha Dawladda.

Qodobka 16aad. Xorriyadda Abuuridda iyoKa-mid-noqoshada Ururrada

Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ku biiro qof kale ama koox . Xaqaas waxaa ka mid ah inuu abaabulo ama ka mid noqdo ururro ay ka mid yihiin ururro shaqaale ama xisbiyo siyaasadeed. Wuxuu kaloo xor u yahay in uusan cidna ku biirin, lagumana qasbi karo inuu cid kale ku biiro.

Comments are closed.