TOP:-Dagaal Xoogan Oo Al Shaab Iyo Ciidamado Itoobiyaan Ah Ku Dhex Maray Gobolka Hiiraan

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee Jooga Soomaaliya iyo Maleeshiyada Al Shabab uu galabta ka dhacay duleedka Beledweyne.

Sida ay sheegayaan wararka, dagaalka oo soo gaaray ilaa gabal-dhicii maanta, ayaa waxa uu ka dhacay meel u dhaw deegaanka Ceelgaal oo qiyaastii 17km dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Beledweyne.

Ilo wareedyo ku sugan deegaanka, ayaa  sheegay in iska-hor-imaadka uu bilowday ka dib marki ay malleeshiyo ka tirsan Al Shabaab waddada u galeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada Itoobiya.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, balse wararka ayaa sheegaya in dadki deegaannada u dhaw halka dagaalku ka dhacay ay ka carrareen guryahdooda, sababo la xiriira cabsi dhinaca amnigooda ah.