Saraakiil ka tirsan Booliska Koonfur Galbeed oo Tababar loogu soo xiray Baydhabo

0

Saraakiil ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Tababar ku saabsan ka hortaga waxyaabaha qarxa u soo gabagabeeyay saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Tababarkani oo lagu qabtay Magaaladda Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulkaasi ayaa waxaa lagu barayay saraakiisha sidii ay uga hortagi lahayeen Gawaarida laga soo buuxiyo walxaha qarxa.

Madaxa kormeerka Booliska u qaabilsan ee AMISOM Emmanuel Kobai oo hadal ka jeediyay xiritaankii Tababarkaasi ayaa sheegay in u jeedka loo qabtay uu yahay idii kor loogu qaadi lahaa Tayada iyo Tababarada Booliska Maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaana uu sheegay in arrintani ay ka mid tahay Waajibaadyada saaran AMISOM oo ku aadan Tababarida  Booliska Soomaaliyed .

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in Tababarkan oo kale ay horay uga soo sameeyeen Jubbaland, islamarakaana ay gaari doonaan Maamul Goboleedyada kale ee dalka.