TOP NEWS:-Madaxweyne Farmaajo oo kulan deg deg ah la leh Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xiligan wada hadalo kula leh xarunta Wasaaradda Gaadhaandhiga saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Booqashada madaxweynaha ee xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa imaneysa xili dhawaan dowladda Mareykanku shaacisay in ay joojisay dhaqaalihii ay ku bixin jirtay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Warbixin lagu daabacay Reuters lagu sheegay in sababaha joojinta dhaqaalihii la sii jiray ciidamada xoogga dalka lala xiriirinayo musuq maasuq iyo wax is dabamarin.

Laakiin Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo shir jaraa’id qabtay ayaa tallaabada uu Mareykanku qaaday ku sheegay mid ay  dowladda la ogeyd.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowr jeer oo hore u booqday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo bil ka hor uu tagay xaruntaas.