DHAGEYSO: Yaa mas’uul ka ah Soomaalida lagu dilay Itoobiya?

0

Wararka nagasoo gaaraayo deegaano ka mid ah ismaamulka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in dad Soomaali ah oo tiradooda ay gaareyso 65 qof lagu diley tuullada Gadule ee hoostagta degmada Darullow.

Hasa ahaatee, madaxa Warfaafinta deegaanka bariga Harerge ee dowlad gobolleedka Oromada, Cabdirisaaq Maxamed oo la hadlay laamaha Itoobiyaanka ee afafka Oromada, Tigreega iyo Axmaaradda ee VOA, ayaa tirade dadka dhintey ku sheegay 14 qof.

Cabdirisaaq Maxamed Bare oo bare ka ah Jaamacad ku taalla dalka Sweden, kana soo jeeda halka mashaqadu ku dhacday ayaa ka hadlay cida mas’uulka ka ah weerarkaasi.