Wararka laga helayo Dalka Ethiopia ayaa sheegaya in xasilooni darro Siyaasadeeed ay ka bilaabatay Dalkaasi, taas oo ka dhalatay dagaallo u dhaxeeya Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida ku dhaqan Dalkaasi.
Xubno ka tirsan Xisbiga Kacdoonka iyo Dimoqoraadiyadda ee Dalka Ethiopia ayaa warbixin ay soo saareen si kulul ugu cambaareeyay Ciidamada milateriga Ethiopia, kuwaas oo ay sheegen in ay Rasaas ku fureen dad si nabad galyo ah ugu Mudaharaadayay gudaha Dalkaasi.
Xubnahani ayaa wacad ku maray in ay baaritaan ku sameyn doonan Ciddii ka dambeysay xadgudubkaasi, islamarkaana xusay in ay sharciga horkeeni doonaan.
Colaadaha u dhaxeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada Ethipia ayaa soo bilowday Bishii September ee sanadkani 2017.
Shalay ayey ahayd markii dagaallo dhexmaray labada Qowmiyadood ay ku dhinteen ku dhawaad 7 Qof oo Soomaali ah.