Wasiirka Wasiirada warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Soonaaliya, Eng. Cabdiraxmaan Cismaan Yariisoow ayaa waxuu sheegay in uu xafiiskiisa ku qaabilay Wariye Maxamed Aweys Muudeey, boqorka Bartamaha, kaasi oo muddo 4 sanno ku xirnaa Xabsi ku yaalla Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.
Wariyaha iyo maxaabiis kale ayaa maanta diyaarad siday waxey keentay Garoonka Diyaaradaha ee Magalada Muqdisho.
Wasiir Yariisoow ayaa waxuu sheegay in uu ku faraxsan yahay in Wariye Muudeey oo markale dib u helay xoriyadiisa.
Waxaana taasi oo ku tilmaamay mid ay ku wada faraxsan yihiin Bahda Saxaafada Soomaaliyeed.
Dhinciisa, Wariye boqorka bartamaha ayaa waxuu sheegay in markale uu helay xoriyadiisa, taasina uu uga mahadcelinayo madaxda dowladda oo dadaal dheeraad ah ku bixiyay soo deyntiisa.
Ugu dambeyn, waxuu ugu baaqay Madaxda Dowladda in ay xabiyada Itoobiya ay ka soo saaraan maxaabiis kale oo ah muwaadiniin Soomaaliyeed.