Muddo sanado ah oo uu ku xirnaa xabsi kuyaala Dalka Itoobiya kadib ayaa Wariye Maxamed Aweys Muudey (Boqorka Bartamaha) waxaa laga soo daayey xabsi ku yaalla dalka Itoobiya,iyadoo goor dhow laga soo dajiyey Wariye Muudey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Waxaa kusugnaa garoonka diyaaradaha Muqdisho mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya,iyo suxufiyiin,kuwaasi oo ay kamid ahaayeen Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Mudane C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala iyo madax kale.
Mar uu la hadlaya warbaahinta ayuu sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu xoriyadiisa dib u helo, maadaama muddo badan uu ku xirnaa dalka Itoobiya,iyadoo sii deyntiisa ay ku timid dadaal ay sameysay Dowladda Soomaaliya, isagoo ugu mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo R/wasaare kheyre dadaalkii ay ku bixiyeen sidii uu ku heli lahaa Xuriyadiisa.
Dhanka kale waxaa maanta Muqdisho soo gaaray qeybtii 2-aad maxaabiis ku xirnayd Jaziiradda Seychelles ,kuwaasi oo dhawaan xoriyadooda dib u heley, waxaana tiradooda ay gaareysaa ilaa 7-maxbuus.
Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde waxaa kusoo dhaweeyey maxaabiistaasi Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo la wareegay maxaabiista laga soo dejiyey garoonka.
Dhawaan waxaa soo gaarey magaalada Muqdisho ilaa 7 kamid ah maxaabiistaasi,kuwaasi oo laga soo daayay xabsiyo kuyaala Dalkaasi Seychelles.