Dhageyso:Itoobiya oo xirtay Xadka ay la wadaagto Soomaaliya

1

Guddoomiyaha Deegaanka Balanbale ee Gobolka Galgaduud Jaamac Xeyle Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Maamulka Soomaalida Itoobiya todobaadkii la soo dhaafay uu xiray Xadka uu la wadaago Gobolka Galgaduud .

Waxaana uu sheegay in arrintaasi ay saameyn ku yeelatay Shacabka ku dhaqan Gobolkaasi, gaar ahaan kuwa ku nool deegaanada dhaca Xadka.

Guddoomiye Xeyle ayaa hoosta ka xariiqay in tallaabadaasi ay hor istaageyso is dhaxgalkii bulshada labada dhinac oo uu ka dhaxeeyo xiriir Ganacsi iyo mid walaalnimo.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

 

 

Comments are closed.