Rag hubeysan ayaa Xalay Saqdii Dhexe Wadaad Mu’adin ahaa ku dilay qeybo ka mid ah Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Dilka Marxuumk ayaa ka dhacay Nawaaxiga Isbitaalka Digfeer Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Waxaana la sheegay in Rag hubeysan ay ku dhex Toogteen Gurigiisa oo aan ka fogeyn Misaajidka uu Mu’adinka ka ahaa uu ku yaalla Agagaarka Isbitaal Digfer ee Degmada Hodan.
Faadumo Mire Xirsi oo ah Hooyada dhashay Marxuumka ayaa sheegtay in sababta loo dilay aysan garaneyn Wiilkeeda.
Waxaana ay tilmaamtay Hooyo Faadumo in Raggii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta isaga baxasadeen.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka.
Audio Player