Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul Wasaare Xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegay in dadaal dheeraad ah lagu bixiyay sidii loo ogaan lahaa tiradda Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa uu sheegay in baaritaano badan oo ay sameeyeen in ay soo ogaadeen in ay jiraan Ciidamo badan oo ku jira Liiska Ciidamada oo aan shaqeyn hadana Mushaar qaata.
Waxaa uu xusay in ay iyo sidoo kale jiraan ciidamo waa hore dhintay oo ku jira Liiska Ciidamada, islamarkaana ay dad ku qaataan lacag.