Xoghaye Mattis: xiriir wanaagsan ayaa naga dhaxeeya MD Farmaajo

0

Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka, James Mattis ayaa waxuu sheegay in xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulkiisa.

Mr. Mattis ayaa waxuu tilmaamay in ay jiraan dhibaatooyin u baahan in wax laga qabto.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Xoghayaha ayaa carabka ku adkeeyay in waqti ay u baahan tahay in laga hortago musuq maasuqa.

Hadalka Xoghayaha difaaca Mareykanka ayaa waxuu daba socdaa go’aankii Mareykanka uu saadka uga jaray Ciidamada Dowladda ee ku sugan Gobolada Sh.hoose iyo Dhexe.

Ugu dambeyn, Dowlada Soomaaliya ayaa shaacisay in labada dowladood ay isla garteen in la sameeyo isla xisaabtan ku aadan Ciidamada Dowladda