Sawirro:-Ciidamada Xoogga Dalka oo la wareegay Maxjarka Gaalkacyo

0

Waxaa mudo kadib lagu guuleystay in Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya la dejiyo Dhismaha Maxjarka Gaalkacyo oo ay dhowr jeer ku dagaalameen ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug.

Ciidamadaan ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya oo wata Gadiidka dagaalka ayaa lagu arkay Dhismaha Maxjarka,kuwaas oo xal u noqon doona dagaalada dhexmara Ciidamada kala taabacsan Galmudug iyo Puntland.

Gaalkacyo waxaa hadda ku sugan oo howlo nabadeed ka wada taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Cabduweli Jaamac Gorod iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Sidoo kale Maanta ayaa lagu guuleystay in dib luu furo wadooyin ku xirmay dagaaladii horay u dhexmaray maleeshiyadka Puntland iyo kuwa Galmudug ee Gaalkacyo ku dagaalamay.