Madaxa AMISOM oo la kulmay MD Hirshabelle + SAWIRO

0

Wakiilka gaarka ee Ururka Midowga Afrika ee AMISOM, Francisco Madeira ayaa kulan Magaalada Muqdisho kula yeeshay Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare.

Danjire Madeira ayaa waxuu tilmaamay in kulankooda uu ahaa mid looga hadlay amniga iyo siyaasada Degaanada Maamulka Hirshabelle.

Waxaa sidoo kale labada dhinac ay ka wada xaajoodeen arimo ku aadan xiriirka Ciidamada AMISOM iyo Maamulka Hirshabelle.

Danjiraha ayaa shaaciyay in uu soo dhaweynayo howlaha Maamulka Hirshabelle.

Ugu dambeyn, Danjiraha Midowga Afrika ayaa sheegay in ay sii wada yaan taadeerida Maamulka Hirshabelle.