Diyaaradaha dadaalka dowladda Mareykanka ayaa saacadihii dhaafay duqeyn xoogan ka fuliyeen deegaan hoostaga degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Duqeyntan ayaa waxaa si gaar ah loola beegsaday Saldhig Ururka Al-shabaab ay ku lahaayeen Degaanka Beer-Xaani ee gobolka Jubbada Hoose.
Taliyaha Qeybta 43-aad ee ciidamada xoogga dalka General Ismaaciil Saxardiid ayaa Idaacada ciidamada Qalabka Sida u sheegay in duqeynta ay ka dhacday Saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Beer-Xaani.
Sidoo kale General Saxardiid ayaa xaqiijiyay duqeynta xilliga ay dhacaysay in Saldhiga uu shir uga socday Saraakiil ka tirsan Al-shabaabka ku sugan gobolka Jubbada Hoose.
Taliyaha ayaa intaa ku daray in la dilay Sarkaalkii Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka Gobolka Jubbada Hoose iyo Sarkaalkii Al-shabaab u qaabilsanaa Zakawaadka ee Degaanka Beer-xaani, isaga oo sidoo kale tilmaamay in la dilay 15 ka tirsanaa xoogagga Al-shabaab.
Duqeyntan oo ay amartay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saraakiisha waxa ay sheegeen in ay soo bandhigi doonaan magacyada iyo sawirrada Al-shabaaab lagu dilay duqeynta.
Wasaaradda Difaaca Xukuumadda Soomaaliya ayaa War ay soo saartay waxaa ay ka dalabtay dowladda Mareykanka in ay la joogteeyo weerarada Cirka ee ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana bilihii ugu danbeeyay sii kordhayay duqeymaha lagu beegsanayo saldhigyada Al-shabaab ay ku leeyihiin Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.