Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday Xukuumadda Muqdisho looga baahnaa ka soo qeyb galka caleemo saarkiisa.
Madaxweyne Biixi ayaa waxuu tilmaaamay in mar un uu soo dhaweyn doono mas’uuliyiin ka socda Dowladda Soomaaliya.
Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda Soomaaliya in aysan u qeylo dhaaminin Beesha Caalamka.
“Waxaa Dowladda looga baahan yahay in ay isku tashato si looga baaqsado taageerda la weydiisto Beesha Caalamka”, sidaasi waxaa yiri Biixi.
Shalay ayee aheyd markii Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi lagu caleemo saaray Magaalada Muqdisho.