TOP NEWS:- Xildhibaanada Baarlamaanka FS oo maanta cod u qaadaya Miisaaniyada Sanadka 2018.

0

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeelanaya Magaalada Muqdisho ayaa markii ugu dambeysay talooyinkooda ku daraya Miisaaniyadda Dowladda ee 2018-ka.

Xildhibaanada ayaa lagu wadaa iney cod u qaadaan Miisaaniyadda dowladda 2018 oo maalmihii dambe ay dood adag ka lahaayeen.

Dhinca kale Guddiga Maaliyadda iyo Wasaarada Maaliyadda ayaa looga fadhiyaa in meelaha ay cabashada ka yihiin Xildhibaanada inay wax ka badalaan kuna daraan talooyinka Xildhibaanada Baarlamaanka.

Isku soo wada duuboo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegay in maanta aqrintii ugu dambeysay ay mareyso Miisaaniyadda dowladda 2018, go’aana ay ka gaarayaan Xildhibaanada maanta oo ah iney u codeeyaan iyo iney diidaan.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media