Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Andreas von Uexkull ayaa waxuu sheegay in uu qeyb galay xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Abdi Biixi.
Waxaa uu tilmaamay in ay aheyd xaflad si heer sare loo soo agaasimay, ayna qeyb galeen.
Danjirr Andreas ayaa qeexay in uu Magaalada Hargeysa kula kulmay qaar ka mid ah Soomaalida ka soo laabatay dalka Sweden.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu shaaciyay in dowladiisa ay soo dhaweneyso Madaxweyne Biixi.
Safiirka Sweden ayaa ka mid ah danjireyaal kale oo ka qeyb galay munaasabada caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Maamulka Somaliland.
Comments are closed.