Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay Shirka OIC oo ka furmay Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.
Waxaa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay shirkan oo uu soo qorsheeyay Madaxweynaha Turkiga.
Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in muhiim uu yahay shirkan loogana hadlayo arimaha Magaalada Qudus.