Maxaa ka socda CAAWA Magaalada Muqdisho?

0

Waxaa Caawa Magaalada Muqdisho, gaar Degmada Wadajir lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka ee Dowladda Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa howlgallo ballaaran waxaa ay ka wadaan Xaafada Buulo buuxeey ee Degmada Wadajir.

Wariye Maxamed Cabdullahi ayaa u sheegay AGGM in howlagalladan lagu qab qabtay dad badan, kuwaaasi oo lala xiriirinayo Xarakada Al Shabaab.

Howlgalladan ayaa u muuqda in ay daba socdaa dilal siyaabo kala duwan uga dhacayay Magaalada Muqdisho.