Hay’adda Mareykanka u qaabilsan gargaarka ee USAID ayaa shaaciyay kaalin muuqata ay ka qaateen Ciyaaraha Maamul Goboleedyada ee ka socda Magaalada Muqdisho.
Hay’adda USAID ayaa shaaciyay in ay ku faraxsan yihiin taageerida ay siiyeen Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya.
“Waa howl lagu farxo in ciyaartooy ka kala socota Gobolada Dalka ay isugu yimaadaan Muqdisho ayna halkaasi ku baratamaan”, sidaasi waxaa lagu yiri Twitter- ka USAID.
Ciyaaraha Maamul Goboleedyada ayaa weli waxey si habsami leh uga socdaan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.