Kooxo hubeysan oo Haweeney ku dilay Degmada Deyniile ee G/Banaadir

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Haweeney goor dhow lagu dilay agagaarka Warshaddii Hore ee Taraqa iyo Sigaarka oo ku taalla Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Haweeneyda la dilay ayaa lagu Magaacabi jiray Hodan Guure, waxaana la sheegay in Rag ku hubeysanaa Bastoolado ay ku dileen Gurigeeda, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Laamaha Ammaanka ee Dowladda oo ku aadan dilkaasi.

Balse Shalay ayey ahayd markii Wiil dhalinyaro ahaa lagu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.