Waxaa lagu soo waramayaa in weerar dhanka cirka ahaa uu ka dhacay Duleedka Degmada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan.
Wariyaha Idaacadda VOA , Harun Macruuf ayaa waxuu sheegay in weerarka uu ka dhacay Degaanka wardiinle ee Duleedka Degmada Buuloburde.
Waxaa uu tilmaamay in duqeynta lagu dhuftay Xero Xarakada Al Shabaab ay ku leeyihiin halkaasi.
Weli lama oga khasaaraha dhashay weerarkaasi.
Ilaa iyo hada majiro wax hadal ka soo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan weerarkii ka dhacay Gobolka Hiiraan.