DHAGEYSO:- Mareykanka oo war ka soo saaray Duqeyntii shalay ee deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

0

Taliska Ciidamada Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) ayaa war ka soo saaray duqayn shalay ka dhacday Degaanka Mubaarak oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in weerarkaasi uu yahay mid lagu taageeraayay Ciidamada Isbahaysiga, loogana hortagey khatar ka dhan ah bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

AFRICOM wuxuu meesha ka saaray in weerarkaasi uu khasaaro u gaystay dadka rayidka ah, wuxuuna ku hanjabay in Ciidanka Mareykanka ay sii wadi doonaan tallaabooyinka ugu haboon ee lagu sugayo amniga.

“Ciidanka Mareykanka waxay sii wadi doonaan inay adeegsadaan tallaabooyinka ugu haboon ee lagu ilaalinayo ammaanka muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo xididada loo siibayo halista argagixisada.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay AFRICOM.

Waxaa kaloo lagu yiri “Waxaa sidoo kale qayb ka ah iskaashiga Ciidamada AMISOM iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliya, kuwaa oo ku mideysan hawlgalada ka hortagga argagixisada, laguna beegsanayo goobaha ay argagixisada ku tababartaan, meelaha ay ku dhuumaaleystan ee Soomaaliya iyo guud ahaanba gobolka.”

Dhinaca kale Ururka Falaagada ah ee Al-Shabaab ayaa shalay soo bandhigay sawirro muujinaya gaari caasi ah oo sida ay sheegeen lala eegtay duqeyntii ka dhacday Degaanka Mubaarak, oo siday khudaar, waxayna Shabaabka beeniyeen in duqayntaasi lala eegtay xubno iyaga ka tirsan.