Ururka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa beeniyay eedeymo ku aadanaa in Ciidamada AMISOM ay geysteen xadgudubyo ka dhan ah aadanaha.
Guddiga Midowga Afrika ayaa diiday eedeymaha xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ciidamada Amisom ee ku jiray warbixintii ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaalmooyinka Soomaaliya (UNSOM).
warbixinta Guddiga ayaa lagu xusay in ay walaac ka qabaan warbixintaasi lagu magacaabo “Ilaalinta Rayidka” islamarkaana eedeymo aysan geysan ciidamada Amisom dusha loo saaray.
Waxa ay sheegeen Amisom in aan warbixinta lagu soo bandhigin xaqiiqda jirta, islamarkaana tacadigaasi ciidanka Amisom lagu eedeeyay aysan gaysan.
“Guddiga Midowga Afrika ayaa doonaya caddeymo ku saabsan in ciidamada Amisom ay ka dambeyeen dhacdadii Ceelbuur 7-May 2016-ka iyo dhacdadii Buulo-Burto ee Abriil 2016-ka, ka dib markii baaritaannadu aysan wax caddeyn ah ku lahayn xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ciidamada Amisom. Nasiib daro, nasiib daro, warbixintan ayaa lagu sheegay in ciidamada Amisom ay geysteen Kufsi.” ayaa lagu yiri warbixinta.
Warbixintaan ayaa kusoo beegmaysa Xilli Qaramada Midoobay ay ku eedeysay ciidamada Amisom in ay dileen 178-qof oo rayid ah muddadii u dhaxaysay Jannaayo 2016 iyo 14 Oktoobar 2017, islamarkaana ay ku fashilmeen ilaalinta dadka rayidka ah.