Xarakada Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada Qarax ka dhacay duleedka Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
Afhayeenka dhana howlgallada ee Xarakada Al Shabaab, Sheekh Cabdi casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in Qarax ay ku dileen Korneel Cismaan Abshir Cumar oo ka tirsanaa Saraakiisha Maamulka Puntland
Korneelka ayaa ahaa khabiir dhanka bambaanada, waxaana sidaasi baahisay Wakaalada Wararka ee Reuters.
Xarakada Al Shabaab ayaa shaaciyay in muddo ah in ay doon doonayeen Korneelkii maanta lagu khaarajiyay Qaraxaasi miino.