Bayaan ka soo baxay Dowladda Kenya ayaa lagu beeniyay in Ciidamada Kenya ay dad shacab ahaa ay ku laayeen Dalka Soomaaliya.
Warkan ka soo baxay Kenya ayaa jawaab u noqonaya eedeyn uga timid Qaramada Midoobay.
Warbixin ay soosaaartay QM ayee ku sheegtay in Ciidamadda Kenya ay Masuul ka ahaayeen Waxyeeladda 42 Qof oo shacab ah Muddo 22 bilood Gudahood ah.
Warbixinta QM oo Axaddii lasoo saaray ayaa shaaca ka qaaday in duqaymo ay Diyaaradaha Kenya fuliyeen ay Si buuxda masuul uga ahaayeen Dhimashadda 36 Qof oo shacab ah iyo Dhaawaca 6 kale.
Safiirka Kenya ee Somalia, Lucas Tumbo ayaa been abuur ku tilmaamay warkii ka soo yeeray Qaramada Midoobay .
Dad ka Soomaaliyeed ee dagan Goboladda Gado iyop jubadda Hoose ayaa Marti galiyya Weerarro Duqaymo ah oo ay fuliyeen Ciidamdda Kenya, tiradda Waxyeeladda Shacabka ee ay Soosaartay QM ayaa loo arkaa in ay ka hooseeyso tiradda Waxyeeladda Saxda ah ee ciidamadda Kenya ay Dadka Shacabka ah u geeysteen.