Ciidamo ka wada tirsan Dowladda oo markale ku dagaalamay Kaaraan

0

Wararka laga helayo Degmada Kaaraan ayaa ku soo warramaya in Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ay saaka halkaas isku fara saareen.

Goobjooge la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Israsaaseyntan ay timid kadib muran ka dhashay Dhul ku yaalla Xaafadda Buulo Maaxaay ee Degmadaasi Kaaraan.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, balse Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan.

Waana markii laabaad uu dagaal ka dhaco Xaafaddan, iyadoona dhawaan ay ku dagaalameen Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda oo isku haya arrimo la xariira Dhul ku yaalla Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.