Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ayaa Gaari looga shakiyay in ay saaran yihiin Walxaha qarxa goor dhow ku qabtay Ex Kontarool Afgooye ee Duleedka Magaalada Muqdisho.
Gaariga la qabtay oo ah Spacio ayaa waxaa haatan baaritaano ku haya Ciidamada Ammaanka, waxaana gabi ahaan ay xireen Wadadaasi.
Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Laamaha Ammaanka oo ku aadan Gaarigaasi in ay saaran yihiin Walaxaha Qarxa iyo inkale.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka Qof Goobjooge ah.