Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ayaa la sheegaya in ay dab qabadsiiyeen Gawaari Raashin ganacsi siday oo ku sii jeeday Koonfurta Soomaaliya.
Waxaana la sheegay in Al Shabaab deegaanka Maroodille ee Gobolka Hiiraan ay ku gubeen 6 Gaari oo siday badeeco, kuwaas oo u rarnaa Ganacsato Soomaaliyeed.
Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ayaa lagu soo warramayaa in ay ku baxeen deegaanka Maroodille oo ay Al Shabaab ku gubeen Gawaaridaasi.
Deegaano ka tirsan Hiiraan ayaa weli go’doon ugu jira Al Shabaab oo inta badan weeraro Jidgal ah ka fuliya Gobolkaasi.
Comments are closed.