Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waa ay sheegayaan in Qarax Gaari uu iminka ka dhacay Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho, sida uu warbaahinta gudaha dalka uu u sheegay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qaraxan ayaa waxaa Gaarigiisa loogu xiray Sarkaal ka tirsan Ciidanka xoogga dalka, kaasi oo lagu magacaabo Ismaaciil Danab, isaga oo keliya ayaana ku geeryooday.
Jugta Qaraxa ayaa waxaa laga maqlay Agagaaarka goobta uu ka dhacay, waxaa sidoo kale bur bur xoogan uu soo gaaray gaarigii uu watay Sarkaalka.
Sarkaalka la hadlay Warbaahinta gudaha dalka ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada ammaanka ay wadaan baaritaano lagu raadinayo raggii ka dambeeyay falkan lagu qaarijiyay Marxuum Ismaaciil Danab.
Adeegga Gaadiidka deg dega ah ayaa goobta uu Qaraxa ka dhacay soo gaaray, kaasi oo goobta ka qaaday Meydka Marxuum Ismaaciil Danab.
Dhinaca kale Ururka Al-shabaab ayaa inta badan sheegta Qaraxyada nuucaan oo kale ah ee lala beegsado Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka, kana dhaca magaalada Muqdisho.
Isku soo wada duuboo barkhanimadii hore ee saakay ayaa waxaa Qarax Miino kolonyo ka tirsan Ciidanka AMISOM lagula eegtay wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho, kaasi oo haleelay mid ka mid ah Gawaaridooda.