Wararka naga soo gaaraya degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan uu isku dhiibay Sargaal ka tirsan Al-Shabaab.
Gudoomiyaha degmada Buurhakaba Xuseen Maxamed Cali ayaa Risaala u sheegay ninka isasoo dhiibay in uu watay hub.
Waxaa uu ka gaabsaday in uu shaaciyo Magaca Sarkaalka laakiin waxaa uu sheegay in ay u gudbin doonaan Magaalada Baydhabo.
Maamulka degmada Buurhakaba ayaa waxa ay xuseen in ninkaan uu lasoo xariiray ka dibna uu yimid degmada.
HALKAAN KA DHAGEYSO