Taleefanka Gacanta ee Nokia 3310,ayaa la filayaa in mar kale uu dib ugu so laabto Suuqyada Caalamka iyada oo ay taasi dhaceyso 17 Sano kaddib markii ugu horreysay ee la iibgeeyay.
Sharikadda Nokia ayaa sheegtay in Taleefankan uu noqday kii ugu tayada badnaa ee ay soo saartay abid,sida ay u xustay daraasad ay soo saartay,sidoo kalena soo laabteen codsiyada soo celinta Taleefankan.
Markan waxaa uu leeyahay Ciyaaraha Maska,Saacad,Xisaabiye,mugga 4 Game oo uu keydin karo,keyd bilaash ah oo aad ku shuban karto wixii aad u baahato.
Nokia,hadda waxaa ay dadaal ugu jirtaa in ay soo celiso magaceedii saxda ahaa ee ay xuquuqdiisa horay u iibsatay Microsoft-haddana ku tala jirto in ay dib ula soo laabato.
Taleefankan waxaa lagu soo bandhigi doonaa Shirka Mobile-llada Adduunka oo dhawaan dhici doona,waxaana qiima ahaan lagu heli doonaa $29 Pound oo kaliya muddo 29 maalood ah kaddibna waxaa is beddeli doona qiimahiisa.
Taleefanadda ay soo saarto Nokia waxaa hadda lagu iibiyaa magaca Sharikadda HMD oo laga leeyahay Finland,waxaana ay dhawaan ku talajirtaa Nokia in ay dib ugu soo laabato suuqyada Caalamka.
Taleefannada kale ee ay soo saareyso Nokia waxaa ka mid ah Nokia 3, 5 iyo 6 – waxaana lagu soo bandhigi doonaa shirka Mobile-llada Adduunka ee dhawaab dhacaya.