Kaaliyihii dhanka ammaanka ee madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa isu casilay xiriirkii uu Ruushka la sameeyay, sida uu shaaciyay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka.
Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa wakhti aan fogayn sheegay “in uu qiimaynayo” xiriirkii uu kaaliyihiisa dhanka ammaanku la yeeshay danjiraha Ruushka, sida uu sheegay Aqalka Cad.
Michael Flynn ayaa aad loo falanqeeyay iyadoo bartanka lagaga jiro warar sheegaya in uu safiirka Ruushka kala hadlay xayiraadaha Ruushka saaran ka hor caleemo saarkii madaxweynaha.
Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Mike Pence ayaa meel fagaare ah ku diiday eedaymahaas isaga oo u hadlaya Michael Flynn oo ah jeneraal hore oo shaqada ka fariistay.
Flynn ayaase Aqalka Cad u sheegay in laga yaabo in laga wadahadlay xayiraadaha Ruushka saraan.
Flynn ayaa ka raaligeliyay madaxweyne ku xigeenka jahwareerka ku saabsan wadahadalkii uu la yeeshay safiirka Ruushka Sergei Kislyak.